Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, La-taliyeyaashiisa iyo Afhayeenka, kadib markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay 28-kii bishii June 2022.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr, isagoo u mahadceliyay Xoghayihii hore ee xafiiska Maxamed Ibraahim Nuur.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cali Cabdi Awaare u magacaabay La-taliyaha Arrimaha dib u heshiisiinta, Kamaal Guutaale ayaa isna loo magacaabay La-taliyaha Amniga RW, Dr. Hodan Cismaan ayaa laga dhigay La-taliyaha xiriirka Caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi u magacaabay La-taliye sare ee Arrimaha siyaasadda iyo iskuduwaha Barnaamijyada, halka Farxaan Maxamed Jimcaale oo ah Wariye caan ah Afhayeenka Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.
Hoos ka Akhriso Qoraalo lasoo saaray