Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa Maanta magaaladaas ka bilaabaya kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah Madaxda Qatar.
Xamse oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa kulan ugu horreeya la qaadanaya Sheekh Maxamed, iyagoona ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa inta uu ku sugan yahay Dooxa la kulmaya Amiirka Qatar Sheekh amim bin Hamad Al-Thani iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah dowladdaasi, isagoo booqasho ku tagaya xarumo ku yaalla caasimadda.
Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale ayaa sheegay in Xamse uu kulamo kale la yeelan doono Ganacsatada Soomaaliyeed ee Qatar joogta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo uu Warbixino ka siinayo xaaladda guud ee dalka iyo howlgalada socda.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.
Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.