Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa kusii jeeda magaalada Seoul ee caasimadda dalka  Kuuriya oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 – 5 Juun.
Afhayeenka Xukuumadda Farhan Jimale oo warbaahinta uga warramayay shir madaxeedka 2024 ee Kuuriya iyo Afrika ayaa waxaa uu sheegay in shirka looga hadli doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Kuuriya iyo dalalka Afrika.
Sidoo kale shir madaxeedka ayaa kasoo qeyb galaya madax badan oo ka socota dalalka Midowga Afrika iyo Bankiga horumarinta ee Afrika, waxaana shirka lagu eegi doonaa sidii iskaashi dhaqaale u yeelan lahaayeen dhinacyada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa socdaalka ku wehlinaayay qaar kamid ah xubnaha Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.