Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada uga warbixiyay waxqabadka Xukuumadda ee arrimaha la xiriira diinta iyo awqaafta sida ansixinta xeerarka Xajka, Sakada iyo dhisitaanka Golaha Culimada Soomaaliyeed.
Waxa uu ka codsaday Culimada Soomaaliyeed in ay door muuqda ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee wajigiisa labaad uu dhawaan ka bilaaban doonno Jubaland iyo in bulshada ku dhaqan gobolka loo bidhaamiyo afkaarta khaldan.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa la isku dhaafsaday talooyin la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa weli ku sugan magaalada Kismaayo, halkaasi oo safar uu ku joogo, isla markaana waxaa uu ka wadaa kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Bulshada.