Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah, ayaa warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta wasaaradaha qaar, iyagoo soo bandhigay waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka “Soomaali heshiis ah†inay dardar-galiyaan qorshayaasha Xukuumadda, isla markaana bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco.
Sidoo kale waxa uu faray in waxa ay soo bandhigayaan ay saldhig u ahaadan halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda DanQaran ee Tiirka Soomaali Heshiis ah, sida dhamaystirka dib u eegista Dastuurka, dimoqraadiyaynta iyo dardargalinta dowlad wanaagga iyo hiigsiga xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka.