Iyadoo wali Muqdisho uu ka socdo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasii oo shalay si rasmi ah u billawday ayaa waxaa socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayan, madaxda ka qayb galaysa shirka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Xalay booqasho iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga iyo gurmadka abaaraha.
Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib U Heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.