Laascaanood – Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, gegida diyaaradaha ee magaalada Laascaanood maanta oo Sabti ah.
Soo dhaweyntan oo ahayd mid heer sare ah oo si weyn loo agaasimay, ayaa noqonaysa bilowga safar shaqo oo taariikhi ah oo Ra’iisul Wasaaruhu ku tagayo deegaanada maamulka SSC-Khaatumo.
Kadib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay garoonka, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyey qasriga uu ka degi doono caasimadda gobolka Sool, halkaas oo kulamo muhiim ah ay uga bilaaban doonaan.
Mudada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, wuxuu si dhow u indha-indheyn doonaa xaaladaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira deegaanada SSC-Khaatumo. Waxaa la filayaa inuu la kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo ganacsatada, si uu u dhegeysto cabashooyinkooda, talooyinkooda iyo aragtidooda ku aaddan mustaqbalka gobolka.
Safarkan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo ka turjumaya doorka dowladda dhexe ee xoojinta wadajirka, wada-shaqeynta iyo soo celinta kalsoonida shacabka ku dhaqan deegaannada dhowaan kasoo baxay colaadaha.