Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Axad ah kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga iyo Warbixino ku aadan weerarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qaraxyadii khasaaraha farabadan dhaliyey ee ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hay’adaha amniga dowladda Federaalka faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay ee dhacay, xoojinta  amniga doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka & guud ahaan dalka.
Shalay ayey aheyd markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda, waxaana kulankaas ka maqnaa Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Jaamac oo Maanta ka qeyb galay kulanka Rooble.
Farmaajo ayaa Taliyeyaasha faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda ee Muqdisho, sidoo kalena faray Taliyeyaasha Ciidammada in loo dhimriyo Shacabka Soomaaliyeed xilliyada ay ciidammadu samaynayaan hawlgallada lagu sugayo amniga.