Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta ay ku shaqeeyaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, taasi oo ku dhex taalla Garoonka Aadan Cadde.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan la qaatay guddoonka iyo howlwadeennada guddiga oo uu uga mahadceliyay sida ay u maareeyeen howsha doorashooyinka, kuna dhiirrigeliyay dhammeystirka howlaha dhiman.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf ayaa Ra’iisul Wasaaraha Warbixin ka siiyay sida ay ku socoto shahaado siinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad, una sheegay in shahaadada qaateen 200 oo Xildhibaan.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga uga mahadceliyay sida ay u maareeyeen howsha doorashooyinka, isla markaana waxaa uu dhiirrigeliyay dhammeystirka howlaha dhiman ee doorashada.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaciyay Maanta inay shahaado siiyeen 200 oo Xildhibaan, kuwaasi oo ah isku darka Xidhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaan weli qaadan shahaadada Xildhibaanimo, waxaana qaatay oo kaliya saddex Xildhibaan oo kaliya oo kamid ah Sheekh Aadan Madaoobe.