Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay Garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumadda.
Rooble ayaa waxaa dhagax dhiga ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka, qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta, dhalinyaro iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka kugu tagey Ciidanka Xoogga ee ku sugan Garbahaaray ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ka dhanka Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay kana soo ambabaxay Magaalada Kismaayo ayaa duhurnimadii Maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Socdaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka dalka ka dhacaya, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta deegaanka.