Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa goordhow gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.
Garoonka diyaaradaha Baraawe ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ee Baraawe ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira kormeerka howlaha doorashada iyo diyaar garowga loogu jiro inay bilowdaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Inta uu Rooble ku sugan yahay Baraawe ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Maamulka degmadaas, isagoo kala hadli doona xaaladda guud ee degaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay u sheegay inuu booqasho ku tagi doono goobaha loo asteeyay doorashada, waxaana Baraawe ay kamid tahay Magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashada, wuxuuna Rooble horay u booqday magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.