Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa u hambalyeey Madaxweynah Hirshabeelle, ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo guud ahaan Bulshada Hirshabelle munaasabadda sanadguurada 5aad ee asaaska Maamulkaas.
Ra’isul Rooble oo munaasabadda hadal kaga jeediyay aaladda foggaan aragga ayaa ku bogaadiyay dowlad Goboleedka Hirshabeelle in ay soo gabagabeeyeen doorashadii Aqalka Sare, isaga oo si guud u hambalyeey Senatarada la soo doortay.
Waxa uu ku booriyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle in ay u diyaar garoobaan qabashada doorasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan dalka ka bilaaban doonta.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa maamulka iyo dadweynaha reer Hirshabeelle  waxaa uu Alle ugu rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ee ahna Caasimadda Maaamulkaas ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabadda sanadguurada 5aad ee asaaska Hirshabeelle, waxaana ka qeyb galay Madaxda ugu sareeysa Maamulka, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne farabadan.