Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Amar cusub oo ku socda Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Qoraal kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa Wasiir C/raxmaan Beyle lagu amray in uusan bixin karin wax kharash ah nooc kasta ha’ahaate illaa uu ogalaasho ka helo Xafiiska Rooble.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray in mushaarka Ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka mas’uuliyiinta Wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.
Sidoo kale Rooble ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda in wax lacag aysan ka soo qaadi karin qoondada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lacagta Hay’adda IMF, iyada oo aan ogolaasho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Sababta keentay Amar uu Ra’iisul Wasaaraha kusoo rogay Wasaaradda Maaliyadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in taxaddar dheeraad ah loo yeesho kharashka bixinta dowladda iyo isticmaalka lacagta IMF, maadaama uu dalka ku jiro marxalad kala guur ah.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble.