Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday Arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay inay ku howlan yihiin dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan, ayna ku dedaali doonaan iney u qabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday qodobo ku aadan horumarinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka abaarta ku sameeysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulkaas.
Maamulka Hirshabeelle ayaan weli dhammeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka, isla markaana waxaa ku harsan 4 kursi oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka.