Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Salaax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño
Saalax ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isagoo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof.
Sidoo kale Saalax ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah iyo in dawladdu waddo abaabul iyo sidii wax loo gaarsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, Isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool Gobalka Gedo iyo qaybo kamid ah gobolada dalka.