Kulankaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Khayre David William Concar Safiirka Uk e Soomaliya ayey ugu wada hadleen  xoojinta   xariirka Tariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska  iyo horumarinta iskaashiga Dhinacyadda Amniga iyo dhaqalaha..
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Uk ee Soomaliya  Khayre David William Concar,waxayna uga wada hadleen xoojinta   xariirka Tariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska  iyo horumarinta iskaashiga Dhinacyadda Amniga iyo dhaqalaha.
Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya mr Concar  ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumaradda ay ka samaysay dowlad wanaagga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo Sugida amniga.
Dhanaca kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xafiiskisa isla maanta kulan kula yeeshay xubno ka socday Midowga Yurub  kaas oo looga hadlay horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee ku aadan Dar-dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan.