Duhurnimadii Maanta ayaa rag hubeysan waxa ay Magalada Muqdisho ku dileyn Madixii Shirkadda Startup Grind,xilli uu ku sugnaa inta u dhaxeysa Banaadir iyo Digfeer.
Raggii ka dambeeyey dilka ayaa durba goobta ka baxsaday,waxana dilkaas ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre oo weli ku sugan Magalada Garoowe.
“Ilaahay ha u naxariisto wiilkii dhallinyarada ahaa ee Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.Haddii maalin walba qof qiimo leh la innaga dilo oo aan u aragno wax caadi ah waxaa dhammaanaya Ubixii dalka ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Shacabka Soomaaliyeed iyo Laamaha amniga waxaan ugu baaqayaa inay ka wada shaqeeyaan sidaan u badbaadin lahayn Ubaxa iyo Mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Marxuumka la dilay ee Maxamed Maxamuud Sheekh Cali,madaxna ka ahaa Shirkadda Startup Grind ayaa dhinaca kale waxaa dhalay Taliyaha Ciidanka cirka Somaliya S/Guuto Maxamuud Sh Cali Dable Pilot.