Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay goordhow gaareen Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Maamulka Puntland.
Wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad Goboledka Puntland,Xildhibaano, Wasiiro qeybaha kala duwan ee Bulshada,iyada oo amniga Magalada Garoowe maanta aad loo adkeeyey.
Wafdiga Ra’iisul Wasaraha ayaa waxaa loo gelbiyey Xarunta Maadxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe,iyada oo halkaasi ay kulan kula qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland iyo Mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd,waxana la filayaa in uu la kulmo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku sugan Magalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Puntland.
Goordhow la socda Sawirada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasare kheyre.