Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa booqan doonna Xerada Qaxootiga Dhadhaab Ee Waqooy-Bari Dalka Kenya.
Afhayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Caato ayaa soo dhigay Bartiisa Twitter in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu tagi doono Xerada Dhadhaab balse ma uusan sheegin waqtiga uu halkasi ku wajahan yahay.
Ila Wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu booqan doonno Xerada Qaxootiga Dhadhaab Berito oo Sabti ah ama gelinka dambe Ee Maanta.
Waxa jira Warar kale oo iyagana sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu tegi doono Jaziirada Malta si uu u booqdo Qaxooti Soomaali ah oo halkasi ku sugan.