Ra,iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiyi Axmed ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tegay dalka Sacuudi Carabia tan iyo markii loo dhaariyey xilka ra,iisul Wasaaraha Itoobiya horaantii Bishii Apriil ee Sanadkaan.
Sidoo kale ra’iisul Wasaare Abiyi Axmed ayaa safarkaan waxa uu noqonayaa kii ugu horeerey ee uu ku tago wadan ka baxsan afrika,kadib markii uu kasoo laabtay booqashadiisii dalka Kenya.
Boqorka dalkaasi Boqor Salman Bin Abdulaziz ayaa la sheegay in uu casuumaad u fidiyey,waxaana lafilayaa in ra’iisul Wasaare Abiyi Axmed uu kulamo la yeesho madaxda dalkaasi sacuudiga.
Dowladaha Itooobiya iyo Sacuudiga ayaa leh xiriir mudo dheer soo jiray,waxaana ra’iisul Wasaare Abiyi Axmed uu haatan doonayaa in uu sii xoojiyo xiriirka labada dal.