Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.
Xarumaha uu maanta kormeeray Ra’iisul Wasaaraha Cusub Xamse Cabdi Barre ayaa horay xarigga kaga jaray, waxaana dhawaan si toos ah ugu howgali doona  xafiisyada Wasaaradaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa sidoo kale goordhaw lawareegi doona Xafiiska,waxaana socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Maxamed Xuseen Rooble uu Xilka ku wareejinayo.