Labada Eedeysane oo ka soo jeeda Degmadda Dodge ayaa lagu soo oogay Dembiyo Isir-nacayb ah, kadib, markii ay weerar u geysteen 3 nin oo Somali ah oo ay ku colaadinayeen Dalka ay asal ahaan ka soo jeedaam.
Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Degmadda Kansas, Tom Beall ayaa sheegay in Labada Eedeysane oo lagu kala magacaabo Omar Kantero Martinez oo 31-jir ah iyo Armando Sotelo oo 24 jir ah lagu soo oogay 3 Fal-dembiyeed iyo inay 3 nin oo Somali ah dhaawaceen bishii June 19-keedii ee sanadkii hore ee 2015-ka.
Dembiilayaasha waxay dhalooyin jabsan ku dhaawaceen Muwaadiniinta Soomaalida, oo iyagu  si  sharci ah ku jooga Maraykanka, isla markaana deggan Degmadda Dodge.
Waaxda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI-da iyo Boliska Degmadda Dodge ayaa baaray dhacdadaasi, waxaana la filayaa inay Maxkamadda labada Eedeysane ku xukunto Xabsi min 10-sanno ah iyo inay bixiyaan ganaax dhan 250,000 oo Dollar.
©Radio Dalsan