Maxkamadda magaalladda Nairobi waxaa maanta oo Khamiis ah la soo taagay Afar nin oo Soomaalida Kenya deggan ah iyo Nin u dhashay dalka Tanzania, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay wax ka abaabuleen weerarkii ay Alshabaab bishii April 2-dii ka geysteen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148 qof oo Arday u badnaa.
Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo  Mohammed Ali Abikar,  Hassan Edin Hassan, Sahal Diriye Hussein, Mr Osman Abdi Dagane iyo Rashid Charles Mberesero waxay beeniyeen inay ka dambeeyeen weerarkii Jaamacadda Garissa ama ay ku lug leeyihiin ammaan la’aanta ka jirta Kenya.
Madaxa Xeer-beegtida qaadaysay dacwadda, Daniel Ogembo ayaa diiday in Eedeysanayaasha lagu sii daayo damiin, wuxuuna xusay inay khatar ku yihiin ammaanka dadka.
Waxa uu iska dhega-tiray Eedeysanayaasha oo wada cawday in had iyo jeer lagula kaco jir-dil.
Dhinaca kale, Eedeysanayaasha ayaa la amray in dib loogu celiyo Xabsiga,iyadoo dacwadooda mar kale la dhegeysan doono bisha Augsut 24-da ilaa 25-da ee sannadkan.
© Warqabadka Dalsan Radio