5 qof oo lala xiriirinayo Kooxda Daacish ayaa lagu xitay labo hawlgal ka kala dhacay dalalka Spain iyo Hangeri, iyadoo la helay hub fara badan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Spain, ayaa sheegay inay Boliska ka soo qabteen magaalladda Figueres Nin u dhashay dalka Moroko oo haysta Dukumentiga Aqoonsiga dalka Holland.
Ninkaasi ayaa lagu tuhunsan inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish, isagoo la sheegay inuu dhawaan ka soo laabtay dalka Turkiga.
Maamulayaasha waxay sheegeen in qabashada Ninkaasi gacan ka geysteen Hay’addo Sirdoon oo aan la magacaabin dalalka ay kala yihiin.
Dhinaca kale, Maamulayaasha dalka Hungary waxay qabteen 2 dhallinyaro oo ka kala yimid Faransiiska iyo Beljim, kuwaasi oo la sheegay inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Syria.
Labadaa qof ayaa la qabtay Waaberigii hore ee shalay, xilli ay doonayeen inay u sii gudbaan dalka Serbiya, sida uu Afhayeenka Boliska u sheegay Wakaalladda Wararka Hangeri ee MTI.
©Radio Dalsan