Dagaalamayaal ka tirsan  Al Shabab ayaa looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen Afduubka Gabar Maclimad ah oo galenkii dambe ee shalay laga Afduubtay meel ku dhaw xeradda Dhadhaab ee waqooyi bari dalka Kenya, sida ay Booliska deegaanadaasi ay xaqiijiyeen.
Sidoo kale maclimada ayaa ka shaqeyneysay hey’adda Windle Trust oo ah NGO, waxaana ilaa iyo hada aan la ogeen halka lala aaday.
Paphael Kimiku, oo ah taliye ciidana ayaa sheegay in Gabadha ay dhexda ugashay Afar rag oo hubeysan.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Gabadhaasi, lagu kaxeystay gaari, waxaana loo maleynayaa in lagala gudbay xadka soomaaliya.