Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed C/llaahi Nuux iyo C/raxmaan Saalax Carmaan oo ku soo baaxay Doorashaddii Hirshabelle ee Aqalka Sare oo maanta lagu soo gebagebeeyey.
Wasiir Nuux oo horey looga mamnuucay inuu dib u soo tartamo waxa uu 45 cod kaga guuleystay Hindi C/llaahi Cumar oo keentay 5 cod.
Guddiga Federalka ee Doorahadda Dadban waxay dhawaan ka mamnuuceen Wasiir Nuux iyo Musharax Axmed Sheekh Nuur “Cirroâ€, kadib, markii ay ku dagaalameen Hoolka Doorashadda Jowhar bishii November ee 18-da.
_______________________________________
Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye†oo 51-cod kaga guuleystay Axmed Maxamed Cumar oo ay maanta ku tartameen Kursiga xubnaha Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
_________________________________________
Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta XFS, C/shakuur Cali Mire ayaa u soo gudbay Aqalka Hoose ee Barlamaanka Cusub, kadib, markii uu maanta ku soo baxay Doorasho ka dhacday Caasimadda KMG Maamulka Galmudug ee Cadaado.
Musharax
©Radio Dalsan