Magaalo la yiraahdo Vantaa, oo ku taalla duleedka magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki, ayaa lagu soo warramayaa in qoys Soomaali ah uu ku gubtay gurigii ay deganaayeen.
Allaah ha u naxariistee, hooyo la oran jirey Sahro Macallin Ibraahim iyo afar caruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay dabkaas.
Carruurta waxaa ugu weynaa 8 jir, waxaana ugu yaraa 2 jir, ila aiyo haddana ma cadda waxa sababay dabkaasi, inkastoo Booliska Magaaladaasi ays heegen inay baaritaanno sameyn doonaan sababta keenatay dabkaasi inuu kaco.
Jaalliyadda Soomaalida ee dalkaasi oo isku soo baxay, waxaana ay dalbadeen in baaritaanno la sameyo, xili aan wali meydadkii la aasin.