Basas ay ka buuxaan dad ayaa la filayey inay saakayto ka soo ambabaxaan magaalladda Aleppo ama Xala ee dalka Syria, iyadoo arrintaasi qeyb ka ahayd Heshiis lala gaaray Dowladda dalkaasi.
Kooxda indhaha ku haysa Xuquuqda Aadanaha ee Syria, ayaa sheegtay inaysan jirin Rayid ama Maleeshiyo ka soo ambabaxay Bariga magaalladaasi.
Kooxda ma aysan sheegin sababta dib-dhaca ku keentay in dadka laga soo daad-gureeyo magaalladda Aleepo, oo ay Ciiddanka Dowladda dagaal ku qabsadeen.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Dowladda Syria ee SANA ayaa sheegtay in ugu yaraan 3,000 oo qof shalay laga saaray Aleppo, lana dejiyey Xarumo ay Dowladda leedahay.
Wakaalladda waxay kaloo sheegtay inay 375 Dagaalyahan iska dhigeen hubkooda, iskuna soo dhiibeen Ciiddanka Dowladda, taasi oo qeyb ka ah Cafiska loo fidiyey Maleeshiyadda ku kacsan Dowladda Madaxweyne Bashaar Alasad.
©Radio Dalsan