Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Hay’adda ee Dhuusamarreeb, taasoo noqon doonta mid laga maamulo xarummo kala duwan oo ku yaalla deeggaannada Dowladda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xafiiskaan uu muhiimad weyn u leeyahay dadka reer Galmudug, ayna dadaal badan u galeen sideen dadku iyagoo magaalooyinkooda jooga ay u heli lahaayeen adeegga ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.