Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa gegida diyuuradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kala duwan kuwaas oo uu Madaxwayne Kaariye gacan qaaday.
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku wehliyay safarkiisa guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, xubno ka tirsan goleyaasha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.
Horay Muqdisho waxaa ugu sugnaa qaar ka mdi ah Madaxda maamulGoboleedyada dalka,kuwaasi oo arrimo siyaasadeed u jooga Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan Xilka Maadxweynaha ayaa jooga Muqdosho, kaasi oo la sheegay in olale- siyaaadeed uu u jooga.