Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” iyo wasiirkiisa Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md. Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud ayaa kulan la qaatay danjiraha Dowlada Talyaaniga Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa.
Kulanka ayaa looga wada hadlay howlaha horumarineed ee Dowladda Talyaaniga ka wado deegaanada Galmudug.
danjiraha ayaa u xaqiijiyay in Dowladda talyaaniga sii xoojin doonto teegerada shacabka iyo dowladda Galmudug.
dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahadceliyay garab istaaga Dowladda Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed.