Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo  ku laabtay caasimadda Dhuusamarreeb ayaa booqday gurigii uu ka baxay Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa Askarigii ka hor tagay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee la doonayay in lagu qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday..
Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.
Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Nuur Gacal.