Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu la socdo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa gaarey deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Masuuliyiinta ayaa tagay  degaanada dhawaan ay  xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga deegaanka ay kala wareegeen dagaalamaayasha AL-Shabaab.
Goobaha ay tageen Madaxwayne QoorQoor iyo Wasiirka Difaaca ayaa ah goobo intooda badan ciidamadu ay ku gaareen howlgalka dhammaytirka wajiga koowaad ee Galmudug looga saarayo Al-Shabaab.