Kaaliyaha Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, Peter de Clercq ayaa soo saaray War Saxaafadeed uu ku sheegay inay Somalia weli tahay dal khatar ku jira afar sanno kadib Macluushii ba’nayd ee ka dhacday qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.
“Heerarka cuntada aan ammaanka lahayn iyo Nafaqo-darradda ayaa ah mid khatar ah, iyadoo Samafalayaasha iyo Deeq-bixiyayaasha doonayaan inay ka hortagaan, si aysan xaalladda u sii xumaanin†ayuu ku yiri War-saxaafadeedkiisa.
Kaaliyaha Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, Peter de Clercq waxa uu tilmaamay in xaalladda ka dhex jirta Dadka Barakacayaasha inay tahay mid si gaar ah looga walaacsan yahay.
Digniintiisa ayaa ku soo beegmayso, iyadoo ay Hay’addaha Samafalka sheegeen inay Xaalladda Aadminimo ee Somalia tahay mid khatar ah, iyadoo ay yaraadeen Roobabkii ka da’I jirey Somalia, inkastoo laga digay Daadad ka dhalan kara Roob loogu magac daray El Ninio.
Sannadkii 2011-kii, in ka badan 250,000 o oqof ayaa Macluul darteeda ugu geeriyootay qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.
© Radio Dalsan