Ergyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM xalay ka yeesheen Arrimaha Somalia.
Waxa uu tilmaamay inay Saraakiisha QM aad ugu wlaacsan yihiin dib-u-dhacaasi oo ah kii ugu dambeysay dhowr dib-u-dhac oo ku yimid Jadwalka Doorashadda ee Somalia.
“Dib-u-dhacan cusub waxay kordhinaysaa cabsida. Ii oggolaada inaan carabaabo labo ka mid ah, iyadoo uu dadaalku yahay shaqo Siyaasadeed, iyo in laga yaabo in Dib-u-dhacan noqon karo mid qeyb ka noqon kara dib-u-dhacyo kale†ayuu yiri Micheal Keating.
Dhinaca kale, Wsiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/salaam Hadliye Cumar oo hadlay wax yar ka hor Shirka Golaha Ammaanka ee QM ku yeesheen magaalldda New York ayaa u xaqiijiyey Diplomaasiyiinta inay Doorashadda Somalia noqon doonto mid ku dhacda Xor iyo Caddaalad.
Waxa uu dib-u-dhaca ku sababeeyey iyadoo lMadaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda laga dhowrayo inay soo magacaabaan Xildhibaanadda Aqalka Sare, Heshiiska            Hoggaamiyayaasha Dhaqanka ee qaar ka mid ah Goballadda, Walaaca dhanka Ammaanka ee qeybo ka mid ah dalka oo ay Alshabaab maamulaan.
Walaaca QM ee dib-u-dhaca ku yimid Jadwalka Doorashadda Dadban ee Somalia ayaa timid, kadib, markii ay Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federal ku dhawaaqeen inuu dib-u-dhac cusub ku yimid Jadwalkii Doorashadda soo socot.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda, Avvocate Cumar Maxamed Cabdulle ayaa qiray inay jiraan caqabado dhinaca Maamulka iyo Ammaanka, taasina ay keentay in dib loo dhigo Jadwalkii Doorashadda.
Waxa uu tilmaamay in Doorshadda Barlamaanka cusub la dooran doono inta u dhexeysa Bisha October 23-da ilaa bisha November 10-da, hlka Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono bisha November 30-da ee sannadkan 2016-ka.
©Radio Dalsan
Â