Madaxa QM ee Hawlaha Samafalka, Stephen O’Brien ayaa maanta sheegay in Kharajkaasi lagu dabooli doono Nolosha 93 million oo qof oo ku dhibaataysan 33 Waddan.
Waxa uu intaasi ku daray in 80% baahidaasi tahay mid ay Dadka gacantooda ku sameeyeen sida colaadaha ka socda dalalka Syria, Iraq, Nigeria iyo Koonfurta Sudan.
Stephen O’Brien  waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan dhowr Waddan oo ay ku jiraan Smalia, Burundi, Afganistan iyo Kongada Dimuqraadiga oo ugu yaraan sannadkiiba soo saara Qeeylo-dhaan Gargaar Degedeg ah, iyadoo qaarkood soo food saari karto Xiisado xun sannadka soo socda.
Dhinaca kale, Caalamka tirada Qaxootiga iyo Barakacayaasha ayaa sare u kacay tan iyo Dagaalkii 2-aad ee Adduunka.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inay 65.3 million oo qof o okala bar carruur ah lagu khasbay inay ku baracaan dalalka Caalamka.©Radio Dalsan