Xoghayaha guud ee QM, Michael Keating ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin dilkii Weriye C/casiis Maxamed Cali “Xaajiâ€, kaasi oo shalay galab lagu dilay Xaafadda Towfiiq ee Degmadda Yaaqshiid ee magaalladda Muqdisho.
Hadal-qoraal oo uu Michael Keating soo saaray ayuu ugu baaqay Dowladda Federalka in la soo qabto kooxihii ka dambeeyey dilkaasi, lana hor keeno Caddaaladda, waa sida uu hadalka u yiri.
Dilka Marxuumkaasi waxaa wada cambaareeyey Hay’addaha Warbaahinta iyo kuwa Xuquuqda Aadanaha, waana Weriyihii Labaad ee sannadkan lagu dilo Muqdisho.
Tan iyo bishii Augsut ee sannadkii 2012-kii, waxaa Somlia lagu dilay 31 Saxafi, sida lagu xusay Tiro-koobka Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Badbaadada ugu qaabilsan Xafiiska QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia (UNSOM) .
©Radio Dalsan