Xarunta Cilm-baarista (Pew Research Center) oo hoos tagta Waaxda Arrimaha Dibedda ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ayaa soo saartaay Tiro-koobkii ugu dambeeyey ee dadka Qaxootiga ee sannadkan soo galay dalka Maraykanka
Ku-dhawaad 85,000 oo Qaxooti ayaa tegay Maraykanka muddadii u dhexeysay laga bilaabo bisha October 1-dii ee sannadkii hore ilaa bishii September 30-dii ee sannadkan 2016-ka.
Xog-ururinta waxaa kaloo lagu sheegay in 46% yihiin dad ka soo jeeda dalalka Islaamka, halka 44% yihiin dad Kirishtaan ah.
Warbixinta Xarunta Cilm-baarista (Pew Research Center) waxaa lagu sheegay in tiradii ugu badnayd ee Qaxooti Soomaalida sannadkan gaareen Maraykanka muddo 10-sanno ah.
Shaxda Tiro-koobka Qaxootiga sannadkan gaaray Maraykanka ayaa waxaa ugu sareeya Qaxootiga Syria iyo kuwa Soomaalida.
Ilaa 9,012 Qaxooti Somali ah ayaa sannadkan magangelyo ka helay Maraykanka.
Waxaa kaloo la qaabilay 12,486 Qaxooti Syrian ah, 7,853 Qaxooti Iraqi ah, 3,145 u dhalatay Myanmar, 2,664 Afganistani, 1,949 Eriterian iyo Kumanaan kale oo ka soo jeeda dalal kale.
Sannadkii hore, Madaxweyne Brack Obama ayaa sheegay inay qaabili doonaan 10,000 oo Qaxooti Syrian ah, wuxuuna xusay inay ceeb ku tahay Maraykanka haddii ay diidaan inay qaabilaan Qaxootiga ka soo cararayo dagaalladda ka socda dalka Syria.
©Radio Dalsan
Â