In ka baadan 1,500 qof o oay ku jiraan in ka badan 120 carruur ayaa ku harsan Jesiiradaha Manus iyo Nauru oo ay Dowladda Australia maamusho, iyadoo kala-bar dadkaasi yihiin Qaxooti ka soo jeeday dalalka Muslimiinta ee laga mamnuucay inay gudaha u galaan dalka Maraykanka.
Qaxooti kale ee lagu hayo Xeryaha ku yaalla Jesiiradda Manus iyo Nauru, kana soo jeeda dalalka kale ayaa la sheegay inay badankooda Dib-u-dejin ka heleen dalka Mraaykanka.
24 Qaxooti ku jirtay Xeryaha ay Dowladda Australia maamusho waxay shalay u duuleen dalka Maraykanka oo ay ka heleen Dib-u-dejin.
Kooxdaasi qaxootiga ee loo qaaday Maraykanka waxaa ka mid ahaa 2 qoy oo u dhashay Muslimiinta Rohingya, oo ay wehliyeen 5 carruur oo ay dhaleen.
Afhayeenka Isbahaysiga Wax-u-qabadka Qaxoottiga lagu hayo Jesiiradaha ay Australia maamusho, Ian Rintoul oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka u diiday Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa u dhashay Iiraan Dib-u-dejinta Maraykanka labadii isbuuc ee la soo dhaafay.
“Ma jiro wax Heshiis ah oo lala leeyahay Dowladda Maraykanka oo ku aadan in Qaxootiga ugu badan ee lagu hayo Jesiiradaha Manus iyo Nauru dib-u-dejin ka helaan Marayknak†ayuu yiri Afhayeenka.
Waxa uu ku eedeeyey Dowladda Australia inay Xiisad Aadminimo ka abuurtay Xabsiyadda ay ka samaysatay Xabsiyo ku yaallo meel ka baxsan Xeebaha, oo lagu hayo Qaxootiga Magangelyo-doonka.
Afhayeenka waxa kal e oo uu xusay inay qaadi doonaan Tallaabo Degdeg ah, si Qaxootigaasi ku nool Jesiiradaha Manus iyo Nauru loogu soo daad-gureyn lahaa gudaha dalka Australia
Si kastaba ha ahaatee, Qaxootiga Muslimiinta ee lagu hayo Jesiiradahaas waxay rajo-xumo ka muujiyeen qaabka ay Dowladaha Australia, Maraykanka iyo kuwa kale u hayb takooraan Qaxootiga ka soo jeeda Dalalka Muslimiinta ee uu Madaxweyne Donald Trump ka mamnuucay inay cagta saaraan dalka Maraykanka.
Xigasho: brinkwire.com