Sida lagu soo qoray Shabakadda Wararka ee observer.org.sz ee dalka Swaziland Soomaali tiradooda dhan tahay 7 qof ayaa ka codsaday Dowladda dalkaasi in laga sii daayo Xabsiga ay ku xiran yihiin, si ay ugu laabtaan Xeradda Qaxootiga ee The Malindze Refugee Camp.
Garyaqaanka u doodaya Qaxootigaasi ayaa Dowladda u gudbiyey codsigooda, wuxuuna ku baaqay in la sii daayo raggaasi oo haatan ku xiran Xabsiga Sidwashini Correctional Services, loona gudbiyo Xeradda Qaxotiga ee The Malindze Refugee Camp., ka hor inta aan go’aan kama dambays ah laga gaarin in dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.
 Muwaadiniinta Soomaalida ee ku xiran dalkaasi ayaa lagu kala magacaabaa Hassan Mahamed, Omar Warsame, Mahamed Abdirahman, Abdule Hassan, Ali Yusuf, Adwo Omar and Abdulahi Dacar Aden.
Qaxootigaasi ayaa la xiray, kadib, markii ay dhigeen Dibadbax ay kaga cabanayeen inaan si caddaalad leh dadka loogu daaweynin Xeradda Qaxootiga ee The Malindze Refugee Camp.
 Agaasimaha Dacwad-oogaha Dowladda Swaziland, Macebo Nxumalo ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha Soomaalida lagu sii hayn doono Xabsiga, kadib, markii uu dib-u-dhac ku yimid masaafurintooda.
Dacwad-oogaha waxa uu tilmaamay in ay Maxkamadda Sare ee dalkaasi go’aan ka gaari doonto in dadkaasi loo masaafuriyo dalkooda.
Raggaas Soomaalida  ayaa lagu eedeynayaa inay jebiyeen Amarka Kontoroolka Xeradda Qaxootiga  iyo Sharciga Caafimaadka Bulshadda iyo kan Socdaalka, isla markaana ay iskooda isaga soo hayaameen Xeraddii ay ku jireen..
Dhinaca kale, Â Xafiiska Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM u jooga caasimadda dalka Koonfurta Afrika eePritoria ayaa sheegay inay Saraakiil u soo dirayaan dalka Boqortooyadda Swaziland, si ay ula socdaan dacwadda loo hasysto Eedeysanayaashaasi.
Saraakiil kale oo ka socda Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa iyagana ku fool leh caasimadda dalka Swaziland ee Mbabane, si ay u furdaamiyaan Dacwadda loo haysto Qaxootiga Soomaalida ee ku xiran dalkaasi.
Xigasho:- www.observer.org.sz