Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka mid ah Ergadda Dowladda Kenya u matalayso Dacwadda ka socota Maxkamadda Garsoorka Caalamiga “ICJ†ayaa ku dooday inuu jiro Heshiis Sax ah (A valid agreement) oo ay la galeen Somalia sannadkii 2009-kii oo muujinaya inay Labada Dowladood  muranka Xuduud-baddeedka ka gaareen Heshiis Is-faham (A memorandum of agreement) oo loo soo gaabiyo MoU.
Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia ku boodeen qoriga, markii ay buuxiyeen Gal-dacwadeedka hor yaalla Maxkamadda ICJ, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu jiray Wada-xaajood Diplomaasiyadeed oo lagu saxiixsay Heshiis lagu xalinayo Muranka Xuduud-baddeedka.
Garyaqaanka ay Dowladda Kenya u soo kireysatay Dacwadda ka socota Maxkamadda ICJ oo lagu magacaabo Kariim Khaan waxa uu ku eedeeyey Somalia inay bedelayso Kiiskaasi, kadib, markii ay xaqiiqsadeen inuu ansax yahay Heshiiski iIs-fahamka (MoU) ee ay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, waa sida uu hadalka u yiri.
“Heshiiska laguma sheegi karo wax kama jiraan oo keliya, waayo mid ka mid ah Saxiixayaasha ayaa ku xad-gudbay Heshiiska†ayuu ku dooday Qareenka Kariim Khaan.
Wuxuuna sii raaciey inuu Ra’isul-wasaaraha Somalia ee xilligan, Cumar C/rashiid saxiixay Heshiiskaasi, loona baahan inuu ka laabto Saxiixiisa, si Dacwadda weji cusub u yeelato.
Heskiiskaasi Is-fahamka waxaa Somalia u saxiixay Wasiirkii Qorsheynta ee Dowladii KMG,  C/raxmaan C/shakuur Warsame iyadoo Kenyana uu u saxiixay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, Moses Wetang’ula.
Sannadkii 2009-kii ayey Dowladaha Somalia iyo Kenya gaareen Heshiis Is-faham, balse, Barlamaanka Somalia ayaa laalay Heshiiskaasi.
Bishii July ee sannadkii 2014-kii ayey Dowladda Somalia waxay buuxiyey Gal-dacwadeed looga cabanayo Kenya oo sheeganayso Milkiyadda Xuduud-baddeed Somalia leedahay oo masaafadiisu dhan tahay 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.
©Radio Dalsan