Qaraxyadaan oo ahaa miinooyinka dhejiska ayaa waxa uu xalay Saqdii dhexe ka dhacay Magalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dad ku sugan Baladweyne ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxyada ay ahaayeen kuwo lagu dhejiyey Saddex ka mid ah Soolarada Cadceeda ku Shaqeeya ee ku yaalla Baladweyne,isla markaana xalay Saqdii dhexe ay qarxeen balse aysan jirin cid wax ku noqotay maadaama ay aheyd xilli dadka ay wada hurdeen.
Soolarada qaraxyada lagu dhejiyey ee Saddexda ah ayaa waxa ay ku yaallaan Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne,waxana lagu soo waramayaa in ay bur bureen.
Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan eek u sgan Magalada Baladweyne ayaa la ilayaa in ay Goordow faah faahin intaasi ka dheer ka bixiyeen soolarda Cadceeda ku shaqeeya ee lagu qarxiyey Magalada Baladweyne.
Magaalalada Baladweyne badi Wadooyinkeeda ayaa waxaa suran soolarka ku Shaqeeya Cadceeda,waxana qaarkood saameyn ku yeeshay fatahaadii iyo roobabkii ka da’ay Magaalada Baladweyne.