Wararka ka imaanaya deegaanka Caluula aya sheegaya in la maqlay qarax weyn oo ka dhex dhacay markab dagaal oo ku soo dhawaaday xeebaha deegaanka Caluula.
QAarax oo aad u weyn waxey dadka deegaanka sheegayaan in qaraxa kadib markab uu dab qabsaday ,waxaana wali aan la ogeyn sababta qaraxa inkastoo saraakiil Puntland joogta ay u sheegeen warbaahinta in markabku u muuqdo markab dagaal.
Dhinaca kale qaaar ka mid ah kaluumeysata iyo dadka deegaanka oo ay VOA-du la hadashay ayaa sheegay inay u maleynayaan in qaraxa uu ka dhex dhacay markabka oo nooca dagaalka ah.
Waxey sheegeen in laba Markab oo kale oo kuwa dagaalka ah oo u soo gurmaday ay illaa iyo hadda taagan yihiin halka uu markabka ku degay oo Murcanyo u jirta ilaa iyo afar mile.
Ma cadda waxa dhabta ah ee qaraxaasi uu ahaa, waxeyse dadka deegaanku sheegeen inuu aad u xooganaa.
Kalluumeysata deegaanka ayaa walaac ka muujiyay waxa dhacay, iyagoo ka cabsi qaba saameynta deegaanka ay ka kaluumeystaan ay ku keeni karto, haddii sida ay sheegayaan uu noqodo Markab qarxay oo degay.