Waaberigii hore ee manta oo Isniin ah waxa uu qarax xooggan ka dhacay Wershad Kiimiko oo ku taalla Degmadda Bang Phil ee ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Bankook.
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhaawacmay Qaraxasi ka dhashay Kiimikada loo adeegsado Farsamaynta Isbuunyada Joodariyaasha.
Wargeyska The Bangkok Post ayaa qoray inuu qaraxu ka dhacay 6 Bakhaar oo lagu kaydiyey ilaa 50 Tan oo Kiimiko ah.
Qaraxa waxaa ka dhashay dab baabi’iyey Dhismihii Wershadda iyo Dhismooyinkii la deganaa ee ka ag dhawaa.
Ma cadda waxa sababay dhacdadaasi, iyadoo Jugta Qaraxaasi laga dareemay dhul masaafadiisu dhan tahay 9 KM.