Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho oo gaaray Askar ilaalo aheyd.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu saarnaa xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo lagu magacaabo Mahad Cumar Cabdi oo maalmahan joogay Jowhar.
Dad ayaa waxaa ay ku soo warrameen in qaraxaas Eng. Mahad Cumar gaariga uu saarnaa ku qabsaday, inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Magaaladaas, xili uu socdaal ku marayey, kana yimid dhanka Magaalada, isagoo kusoo jeeday Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay laba Askari oo ilaalo u aheyd Mahad Cumar Cabdi oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ku dhintay qaraxaas, waxaana ka badbaaday qaraxa Eng Mahad Cumar oo gaariga la saarnaayeen Guddoomiyaha degmada Warsheekh iyo Xildhibaan Cabdullaahi Cadde.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa durbo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka labada Askari ee geeriyootay, sidoo kalena goobta laga kexeeyay gaariga la qarxiyey oo qeyb kamid ah burbur gaaray.
Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa weli ka socota qabashada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ku harsan Maamulkaas oo aan soo gaba-gabeyn doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.