Durnimadii Maanta ayaa waxaa qarax lagu weeraray Injineero isugu jira Soomaali iyo Ajaanib xilli ay marayeen agagaarka nawaaxiga Jaamacadda Shabeelle  ee duleedka Magalada Muqdisho.
Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa la sheegay in lagu weeraray Injineeradaas  gaari HILUX ah oo ay wateen,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Inta la xaqiijiyay laba ka mid ah Injineerada Ajaanibta iyo laba ka mid ah kuwa Soomaalida ayaa ku dhaawacmay,kuwaas oo dhaawacooda loosoo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Magalada muqdisho.
Laba Ajaanibta ah ee qaraxaasi ku dhaawacmay ayaa la sheegay iney u dhasheen dalka Shiinaha,isla markaana ay u Shaqeynayeen mid ka mid ah Shirkadaha Korontada ee ka howlgalla Magalada muqdisho.
Si kastaba qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli Maanta barqadii qaraxa gaari oo sababay dhimashada hal iyo dhaawaca Saddex kale uu ka dhacay Kaalin Shidaal oo ku taalla agagaarka Xarunta Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya.