Qarax Khasaaro badan dhaliyay ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana soo baxaya faah faahiino dheeraad ah oo laaga helayo qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa si weyn looga maqlay Caasimadda ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taalla aagga Isgoyska Jubba ee Muqdisho, waxaaa ku dhintay dad badan, halka ay jiraan dhaawacyo badan iyo bur-bur xooggan oo soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dahcay.
Qaraxaan oo uu fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmen tiro intaa ka badan.
Wali waxaa socda gurmadka iyo dadaalada lagula tacaalayo dadka ku dhaawacmay Qaraxa, sidoo kale ma jiraan wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Gobolkani Banaadir, oo ay kaga hadlayaan Qaraxa is miidaminta ah ee khasaaraha badan dhaliyay, kaasi oo goordhaweyd ka dhacay Maqaayad ku taalla Degmada Shibis ee Gobolkani Banaadir.
Wxii kusoo kordha halkaan kala soco.