Faah Faahinno kala duwan ayaa laga helayaa Qarax xooggan soo saaka subaxnimadii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana si si weyn looga ΓΒ maqlay degmooyinka iyo xaafadaha Caaasimadda.
Qaraxa oo ahaa mid jugtiiu xoogganayd ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee Gobolka banaadir, waxaana wararku sheegayaan in uu ka dhacay bar koontrol oo ay joogeen ciidanka ammaanka.
Qaraxa ayaa ahaa sida la sheegay gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa, lana doonayay in gudaha loo soo galiyo magaalada, balse Koontroolkaasi ayaa lagu joojiyay gaariga ka hor inta uusan qarxin.
Sidoo kale wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Qaraxa si toos ah loola beegsaday Koontroolka ay Ciidamadu ku sugnaaayeen, inkastoo warar kale sheegayaan in qaraxa lasoo gudbin rabay balse Ciidankii halkkaasi ku sugnaa ay ka hor tageen, kadib markii gaariga Qaraxa siday laga shakiyay, sida ay tilmaamaaan wararka aynu helnay.
Waxaa jiera khasaare ka dhacay Qaraxa, inkastoo aan wali la ogaan, sidoo kale laamaha ammaanka Gobolka Banaadir wax war ah kama soo saarin.
La soco wixii kusoo kordha