Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa madaxtooyada Maamulka ku qaabilay wafdi ka socday Hay’addaha Qaramada Midoobey ee kala ah IOM, WHO, UNICEF, UNHCR, OCHA, WFP, UNDP oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka oo aay goob joog ahaayen Wasiirada Galmudug iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudg waxaa hay’adaha kala duwan ee UN-ka lala wadaagay baahiyaha kala duwan ee ka jira Galmudug, iyagoo balan qaaday in aay wax badan ka qaban doonan baahiyaha muhiimka ah ee Galmudug.
Mas’uliyiinti ka socday hay’adaha kala duwan ee maanta booqday Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in shaqooyin badan ka qaban doonaan guud ahaan deegaanada maamulka.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa hay’adaha kala duwan ee UN-ka ku boggaadiyay doorka aay ka qaadanayaan wax ka qabashada arimaha kala duwan ee ka jira Galmudug, isagoo ugu baaqay in Galmudug laga gacan siiyo arimaha horumarka.