Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay in ciidamada ATMIS ay sii joogaan Soomaaliya muddo dheer. Golaha ayaa meel mariyay qaraar cusub oo oggolaanaya in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wadaan fulinta howlaha loo igmaday ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka Diseembar 2024.
Bayaan ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in safiirka Soomaaliya, Abuukar Daahir Cusmaan, oo hadlay kadib codeynta, uu sheegay in Soomaaliya ay “fahamsan tahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la kordhiyo qaraarka ATMIS ilaa bisha Diseembar 2024 si loo xaqiijiyo habsami u socodka kala-guurka.†Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay isku diyaarinayso howlgalka ATMIS ka dib ee sanadka 2025-ka.
Safiirka ayaa xusay in “waa lama huraan in loo guntado taageerada loo baahan yahay ee awoodsiinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS si ay u sii wataan shaqadooda muhiimka ah.†Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta lagu xaqiijinayo qaab-dhismeedka cusub ee howlgalka nabad ilaalinta.
Bayaanka QM ayaa sidoo kale lagu sheegay in danjire Daahir Cismaan uu sheegay, “Nasiib darro, waxaan aragnay dib u dhac ku yimid ku dhawaad dhammaan wejiyada dhimista ciidamada. Sidaa darteed, isku-dubarid ka dhexeeya wadamada ciidamada ku yaboohay iyo qandaraaslayaasha Qaramada Midoobay ayaa ah mid muhiim ah.â€
Danjiraha ayaa tilmaamay in “wadashaqeyn wax ku ool ah ay kaliya ma fududeyneyso in si badbaado leh oo habsami leh ay ciidamada nabad ilaalinta u baxaan, laakiin sidoo kale ay yareeynayso carqaladaha ka dhalan kara inta lagu jiro marxaladdan xasaasiga ah.â€
Waxaa la filayaa in codeyntani ay noqoto markii ugu dambeysay ee uu Golaha Ammaanku ansixiyo qaraar kordhinaya muddada ay ATMIS ka howlgaleyso Soomaaliya, iyadoo la qorsheynayo in bisha Jannaayo 2025 uu la wareego howlgal cusub oo nabad ilaalin ah.
Qaraarka cusub ayaa u oggolaanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay sii wadaan howlgalka nabad ilaalinta ATMIS iyaga oo haysanaya ilaa 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, ilaa 31-ka Diseembar 2024. Waxaa sidoo kale qoraalka looga codsaday Xoghayaha Guud in uu sii wado bixinta xirmada taageerada saadka iyadoo la sii marinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).